Markabkii ugu weynaa dunida ee ay gunta badda u direen ciidamadii Saadaam Xuseen.
13 Febraayo 2024
Soddonkii sano ee uu jiray markabakaas, waxaa la siiyay magacayo kala duwan oo ay kamid yihiin; Markabka ugu wayn dunida, Markabkii ugu weynaa dunida ee bani’aadan sameeyo iyo Markiibkii saliidda ee ugu waynaa.
Sidoo kale waxa uu helay magacyo kale oo ay kamid yihiin, 'Happy Giant', 'Jahre Viking', 'Nok Nevis' iyo 'Mont'. Sidoo kale wuxuu helay naaneysta ‘Super Tanker'.
Inkasta oo markabaasi awood u lahaa in uu markiibo qaado maalaayiin liitar oo shidaal ah, hadana suuragal ma aysan ahayn in uu ku soo xirto takad walba, waynanka uu lahaa dartiis.
Sidoo kale waxaa xajmigiisa dartiis uu ka caaganaa in uu ku goosho marino badeed oo dunida muhiim ka ah, oo ay kamid ahaayeen kanaal Suweys iyo kanaalka Panama.
Ugu dambeyntii markabkaasi wuxuu ku baxay gacantii ciidaamadii Saadaam Xuseyn ee Ciraaq, kuwaas oo dab qabadsiiyay ilaa ka quusay.
Laakiin sheekada markaabkaa halkaas kuma aysan dhamaan. Marakbkii ayaa mar kale dib loo dhisayo, waxa uuna sii shaqeeyay sanado badan oo dheeraad ah, dhacdadaas kadib.
Markabkaan ayaa waxa lagu dhisay waddanka Japan, gaar ahaan magaaladiisa Opama. Waxaana dhisay shirkadda Sumitomo Heavy Industries ee saldheegeedu aha adalkaas sanadkii 1979 kii.
Sida laga soo xigtay ilo kala duwan, dhismaha markabka waxaa dalbaday ganacsade u dhashay dalka Giriigga, balse markii la dhameystiray markabka ayuu bixin diiday lacagtaa ku baxday dhismaha markabka.
Mar oo dambe oo taariikhdu ahayd 1981 dii, ayaa waxaa iibsaday markabka ganacsade reer Hong Kong ahaa, oo lagu magacaabi jiray Ting Chow Ying, kaas oo ahaa milkiilaha shirkadda maraakiibta ka shaqaysa oo lagu magacabai jiray, 'Orient Overseas Container Line'.
Sida laga soo xigtay madaxafka badaha ee Hong Kong, ganacasadihii dambe ee iibsaday ayaa waxa uu dalbaday in la sii balaariyo markabka. Sidaas darted ayaana loogu daray qayb cusub oo keentay in la balaariyo markabka, sidoo kale waxaa siyaaday shidaalkii uu cuni lahaa.
Dhererka markabka ayaa la diiwaan galiyay in uu ahaa 458.45 mitir. Waxaa la sheegay in uu ka dheeraa, Daaraha Petronas eedalka Malaysia's, iyo dhismaha the Empire State eek u yaalla New York.
Waxaa la sheegay in uu awood u lahaa markabkaasu in uu qaado ilaa iyo afar bilyan oo tanag oo shidaal ah, taas oo maraakiibta caadiga ha ku qaadan lahayd in ay ku keenaan ilaa iyo toban tariib.
Markabkaas wuxuu 100 mitir ka dheeraa Markab haatan dunida looga yaqaano in uu yahay kan ugu dheer, sidoo kale wuxuu 200 oo mitir ka dheeraa markabkii caanka ahaa ee Titanic.
Mar ay BBC du booqatay markabkaas, sanadkii 1998 dii wuxuu u sheegay badmaaxa markabka, Surendra Kumar, in uu awood u leeyahay in 30 kiilo mitir jaro saacadii.
Sababaha keenay quusidda markabka.
Markabka ay BBC du booqatay wuxuu ahaa kii dib loo dhisiay.
Waa gii uu samada lalay kala iibsiga shidaalka ee Bariga dhexe iyo reer Galbeedka, markabkani ma ahayn uun mid shidaal qaada, ee wuxuu ahaa baqaar wayn oo badweynta dul heehaabaya.
Markaabka ayaa sameeyay socdaalkiisii ugu dambeeyay bishii May ee sanadkii 1988 dii, isaga oo xilligaas ku xirtay jasiiradda Lark ee dalka Iran. Xilligaas ayaa dagaalkii u dhaxeeyay Ciraaq iyo Iran ahaa mid gaban gabo ku dhaw.
Ciidamadii Saadaam ayaa iyaga oo aan wax diginin ah bixin waxay duqayn ku dhufteen markabkii.
Sababtaas darteed ayaa markabkii dab qabsaday, waana uu quusay.
Markii uu dhamaaday dagaalka, ayaa waxaa fursad u arkay shirkad laga leeyahay Norway oo lagu magacaabo, Norman International, waxayna codsadeen in ay dib u dhisaan markabka. Sandkii 1991 dii ayay soo badbaadiyeen, iyaga dib u dayactiray. Waxaa ku baxay dib u dhsika markabka 3,700 tan oo bir ah, taas oo u suuragalisay in uu mar kale biyaha dushooda sabeeyo.
Waagaas wixii ka dambeeyay magaciisu waa uu is badalay, waxa uuna noqdau ‘Farxadii Balaarneed’.
Lakaiin ugu dambeyntii wuxuu hawlgab noqday markabkaasi sanadkii 2009 kii, waxaana la geeyay dalka India si loo dayac tiro.
ncG1vNJzZmivp6x7o67CZ5qopV%2BovK6ty6JmmqqknrCtsdJomqOllKe9dbeTcpyo